Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Shabeelle ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaalo dhowr ah ah oo horaantii todobaankan kadhacay deegaamo gobolka Shabeele katirsan. Warkan oon kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogademia (JWXO) ayaa faah faahinaya sadex dagaal oo deegaano Dagmada Dhanaan hoosyimaada ka dhacay.

Sida uu warku sheegayo markay taariikhdu ahayd  20/6/16 Malablay oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay inta laxaqiijiyay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxaa kaloo oo warkani intaas ku darayaa in 20/6/16 deegaanka Higlaale-biir oo isla Degmada Dhanaan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay. Sidoo kale  deegaanka Abeeracade oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan dagaal CWXO iyo kuwa doolka kujooga ciid Ogadenia ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA/ Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay