Wararka naga soogaadhaya Gobolka Jarar ee wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dhibaatooyin cusub oo ciidanka
gumaysigu kuhayaan shacabka ku dhaqan gobolka Jarar ee wadanka Ogadenya.

Warkan oon kahelay wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya ee ONA uga soo warama Xarunta Dhexe ee
Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa sheegaya in maamul kusheega gobolku ay amar ku bixiyeen
in ay dhamaan dadka Gobolku isugu tagaan goobo cayiman oo tuulooyinka kamid ah.

Sida warku sheegayo ciidanka gumaysiga ayaa si qasab ah dadka xoolo dhaqatada ah uga soo raraya deegaanada
udhaxeeya Dagmooyinka Farmadow, Birqod iyo waliba Dhagaxbuur waxaana dadka laysugu keenayaa Tuulada Wajixun oo toga Faafan dhexdiisa kutaala. Warkan ayaa intaas ku daraya in dadka shacabka ah ee xooga lagu soorarayo laga duminayo guryahooda waxaana si xoog ah lagu gaynayaa Tuulada Wajixun.

Guud ahaan gayiga Ogadenia ayaa galay mar xalad cusub oo dadka shacabka ah lagu xasuuqayo iyagoo dadku waxay
hanti lahaayeen ciidamada gumaysigu lawareegayaan halka dadkana ay wada xabisayaan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay