Wararka ONA kasoo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ay ciidanka Hawaarintu bilihii udambeeyay aad ukala firxadeen. Warkan oo aan kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogdenia (JWXO) ayaa sheegaya in habqanka ciidanka Hawaarintu kabuuxo dhamaan Gobolada wadanka dariska Ogadenia la ah ee
Soomaaliya.

Sida warku sheegayo in kabadan 50 Hawaarin ah ayaa kagoostay goobihii ay dadka shacabka ah kudhibi jireen oo ah inta u dhaxaysa Dagmada Fayrfayr iyo Tuulada Labobaar oo ah dhulka ku teedsan xuduuda Ogaenia iyo Somalia.  Ciidamada Hawaarinta ee ugoostay dhinaca Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay aad ugu dayacan yihiin goobihii ay tageen waxaana dhamaan dhulka Somalia lagu arkayaa qaar kamid ah Hawaarinta oo si habqan ah iskaga daba imaanaya.

Firxadka kooxdan loo sameeyay gumaadka shacabka Ogadenia ayaa yimid kadib markay waayeen dhamaan xuquuqdii ay ku lahaayeen xukuumada wayaana isla markaana ay dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen dagaalada
dabada dheer ee ay kula jiraan Ciidanka JWXO ee utaagan difaaca sharafta shacabka S.Ogadenia.

Sikastaba ha ahaatee dadka udhuun duleela siyasada guracan ee gumaysiga ayaa shegaya in xukuumada wayaanuhu kala caydhin doonto calooshood ushaqaystayaasha Hawaarinta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay