Wararka naga soo gaadhaya Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanuhu ugaysteen shacabka S.ogadenia ee kudhaqan wadanka Ogadenia. Sida uu kusoo waramayo Wariyaha ONA uga soo warama  Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa muujinaya dhacdooyinkii ugu dambeeyay oo lagu dhibaateeyay qaar kamid ah dadka kunool Gobolka Doollo.

Warkan ayaa tibaaxaya in markay taariikhdu ahayd 21/6/16 Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo ay ciidanka cadawgu ku xidheen sadex muwaadin oo kala ah Jamaal maxamad kaafi iyo 2 gabdhood oo kale.

Waxaa kaloo uu warku intaas ku darayaa in 22/6/16 Dagmada Qabridahare lagu soo xidhay dad badan oo laga
soo qaqabtay Tuulada Cadalay waxaana magacyadooda helay kuwan soo socda oo kala ah:-
1 Cadaani Tuuladiid
2 Kurbad Maxamad Macalin
3 Deeq Xassan Rashiir
4 Cumar Cali Mahad
5 muxumad Ibraahin Maxamuud.
Sadexda nin ee hore waxaa lagu xukumay 2 ilaa 3 sano oo xadhig ah.

Isla tuulada Cadalay oo Qabridahare katirsan ayaa markay taariikhdu ahayd 24/6/2016 waxaa lagu xidh xidhay
dad aad ubadan oo ay kamid yihiin sadex muwaadin oo lagu kala magacaabo:-  faarax cali baynax, shaafici Bare aftaag iyo daahir cabdi xirsi. Sida aan xogtan ku hellay waxaa kaloo jira dad wali magacyadooda aanaan helin.
Dhamaan dadkan ayaa loo haystaa dad ay qaraabo yihiin oo kumaqan dibada wadanka.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay