Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad lagu xusayay 56 guuradii kasoo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay beerta Xoriyadda ee magaalada Hargeysa.

Munaasabaddan waxaa kasoo qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, xubno katirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka qalabka sida, maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharf kale. Xafladdan ayaa lagu soo bandhigey heeso waddani ah iyo madadaalo ka tarjumeysa Xornimada Soomaaliya oo ay soo bandhigeen Hobolada Waaberi.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horeyn Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeeyay 56 guuradii kasoo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska. Wuxuu sheegay in maanta ay kasoo wareegtey 56 sano, lakiin 26 sano oo kamid ah Dowladdii Soomaaliyeed ay ahayd mid aan xooganeyn ama burbursan, waxaana isku dhaw inta Dowlad awoodleh la haystey iyo inta burburka lagu jirey.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii sheegey in Midnimadii Soomaaliya soo noqoneyso laakiin ka duwan sidii hore, mid aan mar dambe burburaynin oo lagu wada qanacsan yahay ayey noqon ayuu yiri.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay