Natiijada aftidii Britain ka dhacday Khamiistii (23/6/2016), ayaa xiisad siyaasadeed ka dhex abuurtay xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee Labour-ka. Waxaa la filayaa in maanta ay iscasilaan kala bar xubnaha xukuumadda daah-kujirka ah ee mucaaradka ee loo yaqaano shadow cabinet.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa ka cabanaya in hogaamiyahooda, Jeremy Corbyn, uuna si daacad ah ugu ololeyn in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub, taasina ay dhalisay in taageerayaasha xisbiga ay u codeeyaan bixitaanka dalkaasi.

Mr Corbyn ayaa xalay xilka ka qaaday Hilary Benn, oo xisbiga Labour-ka u qaabilsanaa arrimaha dibedda. Mr Benn ayaa sheegay in aanu ku kalsooneyn hogaanka Mr Corbyn, waxaana uu ku talinayaa in mooshin kalsooni darro ah laga keeno hogaamiyaha xisbigaasi. Xisbiga Labour-ka ayaa u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay