Warar lagu kalsoon yahay oo ONA ay ka heshay Ogadenia ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ethiopia ay gur yahooda kala baxeen dad shacab ah Dagmada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Faafan.

Warkan ayaa tibaaxaya in ciidanka ethiopia ay habeen madii sabtida kala baxeen guryahooda dad shacab ah oo tira ahaan Gaadhaya 7-qof. Dadkan shacabka ah ayaa waxaa qaar kamida lageeyay jeelka gobolka halka qaar kale aan lahaynin meelay ku sugan yihiin.

Waxaa u suura gashay Wariyaha ONA uga soo warama Ogadenya inuu soo xaqiijiyo magacyada labo muwaadin oo kamid ah dadkan guryahooda lagala baxay, waxayna kala yihiin labadan muwaadin :- xassan cabdi wali iyo cakuule  oon lahaynin magaciisa oo sadexan.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay ka wadaan gudaha ogadenia gabood fallo aad u badan oo isugu jira xadhig, dil, dhac iyo kufsi baahsan oo ay ku hayaan dad rayadka ah ee Somalida Ogadenia. Ciidmada arxanka daran ee wayaanaha ayaa waxay laban laabeen ciqaabtii iyo dhibaatadii ay kuhayeen dadka shacabka ah waxayna mar walba dhibaato gaadhsiiyaan shacabka rayad ka een awooda lahayn.

 

ONA/ogadeniya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay