Waxaa  xalay  fiidkii  kadib  afurka  shir habaysan  ugu  qabsomay  maamulka  faraca  jaaliyada  (JOKA)
Waxaana  shirka  kala  soo  qab galay  laba  xubnood  oo  ka mid  ah  gudiga  fulinta Jaaliyada   k/africa     shirka  ayaa  lagaga  arin  sanayey  hawlaha  shaqo  ee  faraca  Johannesburg  iyo  sidii  kor  loogu  qaadi  lahaa  dhamaan  howlaha  ururka  ee  faraca  horyaala    si  wayna  loogu  dar dar  galin lahaa   shaqada abaabulka.
Dhanka  kale  maamulka  ayaa  si  wayn  ugu  diyaar  garoobaya  ka  qayb  galka  kalfadhiga  guud  ee maamulada   jaaliyada  JOKA oo  dhaca  lixdii  biloodba   hal mar.
Kaas oo lafilayo  inuu  dhaco  bisha  (July) ee fooda  inagu soo  haysa  dhexdeeda.
Kal fadhigaas   oo  dib  loogu  fiiriyo  habsami  usocodka  shaqada  guud  ee  jaaliyada   laguna  lagulana  xisaabtamo  dhamaan  hawlihii  horyaalay  maamulada  lixdii  bilood  ee  tagtay
Sidoo  kalena  lagu  lagu  goglo  laguna  ansixiyo   dhamaan  istaraajiyada  jaaliyada  ee  lixda  bilood  ee  dhiman.

Shirkii  xalay  u qabsomay  maamulka  faraca  ayaa  kusoo  dhamaadey  jawi dagan  iyo  hal fulin wanaagsan.

image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay