Xog rasmi ah oo Wakaalada Wararka Ogadenia ay hashay ayaa sheegaysa in
uu fashilmay dhamaan howlihii sirdoon ee gumaysiga wayaanuhu uu dibada
kawaday.

Sida xogta aan helay ay muujinayso xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa
amar kubixisay in ay gudaha wadanka iska soo xaadiriyaan dhamaan
xubnaha katirsan sirdoonka wayaanaha ee wadanka dibadiisa kahowl gali
jiray, Xukuumada TPLF ayaa xubnaha sirdoonka uqaabilsan ee dibada ku
amartay in ay laga bilaabo 23 bishan soogalaan gudaha wadanka.

Amarkan kasoo baxay xukuumada gumaysiga ayaa yimid kadib markay musuq
maasuq bilaabeen xubnihii ay udirsadeen shaqooyinka dibada.

Sida aan xogtan kuhelay xubnaha ay xukuumada
wayaanuhu dibada udirsatay ayaa bilaabay in ay iskood uxamaashaan iyagoo guryo iibsi iyo howlo kale oo ugaar ah kabilaabay wadamadii shaqada loogu diray.

Xogtu waxay intaas ku dartay in sirdoonka  Itoobiya ayaa dibada loogu soo diraa Fiisooyinka  ardaynimo, shaqaale , ganacsato iyo diplomasyiin.

Fashilka ciidamada sirdoonka ee wayaanaha soofood saaray ayaa si isku
mid ah uga jira gudaha iyo dibada wadanka, todobaadkii hore unbay
ahayd markuu nin cadhaysan dilay 6 kamid ah ciidamada sirdoonka
wayaanaha.

Ma aha oo kaliya in ay shacabku gaadmo kudilaan ciidamada sirdoonka ee
waxay shacabku si toos ah ula dagaalamaan ciidamada sirdoonka oo howlo
dhac iyo tacadiyo kale ah kula kaca shacabka.

Sidoo kale waxay xukuumada TPLF dhawaan magacowday 6 safiir oo kasoo
wada jeeda beesha tirada yar ee Tigree waxaana loo kala magacaabay
wadamo ay kamid yihiin Austaralia, Germany,
Ruushka iyo Maraykanka.

Arintan ayaa muujinaysa khal khalka siyaasadeed ee soo food saaray
xukuumada wayaana waxayna dadka kafaalooda siyaasada Itoobiya
cadeeyeen in ay xukuumada TPLF qaadayso wado mugdi ah.

Xeer dherayaasha dhinaca siyaasada ayaa sheegaya in ayna waxba soo
kordhin doonin sikasta oo hal qabiil loogu dhiibo talada wadanka iyo
sikasta oo shacabka loo cadaadiyo.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maalinba maalinta xigta siibadanaya khal
khalka siyaasadeed ee xukuumada wayaanaha iyadoo kacdoonka shacabkuna
uu siilabo laxaadsanayo.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay