War dag dag ah oo xarunta dhexe ee Jabhada
Wadaniga Xoraynta Ogadenia
JWXO naga soo gaadhay ayaa sheegaya khasaare
lixaad leh oo ciidanka
wayaanaha kasoo gaadhay jidgooyo loogu dhigay
duleedka Birqod.

Sida warku sheegayo Ciidanka Wadaniga
Xoraynta Ogadenia ayaa
maalinnimadii shalay jidgooyo kaxidhay
duleedka dagmada Birqod ee
Gobolka Jarar waxayna goobta ku halaageen
ciidan aad ubadan oo kuwa
wayaanaha ah.

Warkan oo ay xarunta dhexe ee JWXO soo
xaqiijisay ayaa lagu sheegay
in 27/6/16 Ciidanka Xooga Dalka Ogadenia kamiin
kaxidheen goob aan
kafogayn magaalada Birqod ee Gobolka Jarar
waxaana jidgooyada soogalay
gaadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidanka
gumaysigu waxaana goobta lagu
holciyay 1 baabuur oo nooca Uuraalka
looyaqaano ah.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay ciidanka JWXO
rasaas huwiyeen
gaadiidkii kale waxaana rasaastaa kadhashay
khasaare lixaad leh oo aan
wali lasoo xaqiijinin.

Wixii war ah ee dagaalkan iyo dagaalada kale ee
Ogadenia kasocda kalasoco ONA.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay