Dagaal xoogleh ayaa ka socda nawaaxiga magaalada Benghazi ee caasimada labaad ee dalka Liibiya oo ay duulaan kusoo qaadeen xoogaga xagjirka Liibiya oo doonaya inay la wareegaan dhulkaasi.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya maleeshiyaadka iyagu taageersan dowlada Liibiya iyo Xoogaga Xagjirka ah ee la baxay Ansaaru Shariica oo horey looga saaray qeybo kamid ah magaalada Benghazi.

Duulaankan cusub ayaa ah mid lagu soo beegay xili lagu jiro tobankii maalmood ee u danbeysay bisha Barakeysan ee Ramadanka, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalkan uu kusii fido magaalada Benghazi.

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa dagaal xoogleh ka socday dhanka magaalada Sirte halkaaso oo ay ku dagaalamayeen xoogaga Daacish iyo ciidamada dowlada Taabacsan oo gacan ka helaya maleeshiyaadka Misrata. Waxaana hada muuqata in kooxaha kale ee xagjirka ah sida Ansaaru Shariica iyadana dooneyso inay hesho dhul ay si gaar ah u maamusho taasi oo forin kale oo dagaal ka furtay bariga wadankaasi Liibiya iyo nawaaxiga Benghazi.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay