Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in ay sii kordhayso handadaadda laamaha sirdoonka iyo nabadgalyada Ruushku ay ku hayaan dublamaasiyiinta Maraykanka. Af-hayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanaka ayaa sheegay in “arrintu ay aad isu soo taraysay oo si toos ahna loogu wargeliyay madaxweyne Vladimir Putin”.

Dhibkan wuxuu bilawday labo sano ka hor markii Maraykanku cunaqabatayn ku soo rogay Ruushka kaddib qalalaasihii Ukrain, ayay hadalka ku sii dartay.

Dhacdooyin gaar ah oo si rasmi ah loo sheegay ma jiraan, laakiin wargeyska Washington Post ayaa sheegay in ay ka mid yihiin in guryaha shaqaalaha safaaradda oo loo soo dhacay ay ka mid yihiin dhacdooyinka la sheegay iyo in xawayaanka la rabbaayadaysto laga laayay.

Jawaab rasmi ah lagama hayo Ruushka laakiin warxbinta wargaysku qoray waxaa kamid ahayd in aanay beenin Ruushku eedaymaha loo soo jeediyay. Eedaymahaas waxa kaloo kamid ah in ay sheegeen in ay jiraan daandaansi kaga yimid diblomaasiyiinta Ruushka dhanka Maraykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay