Gudiga Arimaha Dibada ee Congress-ka maraykanka ayaa maanta go’aan kaqaatay arimaha xuquuqul insaanka ee Gumaysiga Itoobiya. Gudiga ayaa maanta soo saaray go’aan uu tirsiguusu yahay S.Res 432 waxayna siqoto dheer leh uga hadleen arimaha xuquuqul insaanka ee xukuumada EPRDF/TPLF.

Gudiga Congress-ka ee maraykanka qaybtiisa Arimaha Dibada ayaa sheegay in ay dowlada Itoobiya tahay mid aan ilaalinin xuquuqda dadka shacabka ah ee ku dhaqan wadankaas waxayna go’aankooda kusheegin in ay dowlada
maraykanku dib u eegto kaalmada ay siiso xukuumada dadkeeda cadaadisa ee Itoobiya.

Gudiga Arimaha Dibada ee Congrees-ka Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay tacadiyada ba’an ee ciidamada gumaysiga Itoobiya kula kacayaan shacabka aan isdifaaci karin’ waxayna sidoo kale gudigu talooyin kabixiyeen dhaqaalaha ay dowladaha deeqaha bixiya khaasatan Maraykanku taas oo ay gudigu go’aamiyeen in dib loo eego.

Hay’adaha xuquuqda aadamaha udooda iyo dowlado badan oo Maraykanku kamid yahay ayaa labadii sano ee lasoo
dhaafayba si isdaba joog ah uga hadlayay xadgudubyada ay ciidamada wayaanuhu ugaysanayaan dadka shacabka ah waxayna xukuumada TPLF ku eedeeyeen in ay mas’uul kayihiin dadka shacabka ah ee badaha kuhalaag samaya qaarna ay kudayacan yihiin wadamada dariska la ah Itoobiya.

Xukuumada wayaanaha oo caan ku ah gumaadka dadka shacabka ah ayaa umuuqata mid wajigabax badan kala kulanta goobaha lagaga haldo xadgudub yada aduunka waxayna markasta kaalinta hore kagashaa wadamada
tacadiyada ugaysta dadka shacabka ah.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa doonayay in ay guri madow ku gumaadaan dadka shacabka ah ee kudhaqan
Ogadenia, Oromiya iyo waliba Gobolo kale oo kamid ah dhulka ay xukuumada TPLF gumaysato, hase yeeshaa waxaa silamafilaan ah banaanka uyimid tacadiyadii ay xukuumada wayaanuhu qarinaysay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay