Nin  la feedhtamaya ninkale  ayaa wuxuu is arkayay in laga  guulaysanayo  balse  taba barihiisi ayaa  u sheegayay  oo ku yidhi; adigaa guulaysanaya oo  feedh-yahanka kale afka dhulka ugu ridi doona. Tababarihii ayuu wuxuu ku yidhi ” oo hadaan  anigu  guulaysanayo  maxay  gamcahaygu  la daaleen  dibnahayguna la  dhiigayaan  tabcaana aan la noqday? muxuuse ninka iga soo horjeeda iigu soo kakan yahay ama uu iigu soo dhiiranyahay?

Arinta noocan ah waxaa lagu tilmaamaa marka ay dhagaha iyo indhuhu is khilaafaan oo qofka uu garan waayo waxa uu maqlayo iyo waxa u arkayo midkoodii  run ah !

Todobaadyadan iyo bilihii tagayba waxaan maqlaynay dabaqoodhigii dalka dibadiisa oo guulo ka sheeganaya kuna  andacoonaya in halgankii dibada kasocday ay ku guulaysteen inay soo afjaraan. Waxay taasi ka mid tahay ereyada  aan ka maqalay  warbaahinta gumaysiga. Waxaanse  labadayda indhood ku arkay dabaqoodhii doolka ahaa oo hal dhuntay iyo haldhaan raacday ka noqday Koonfur Afrika iyo dunida dacaladeeda.  

Hadii ay kuguulaysteen halgankii dibada maxaa loo wayay meel ay jaan iyo cidhib  dhigeen? Meeye hebaladii hunguriga waynaa ee u kala haliilayay safaarad  ku sheegta cadowga ee  Pretoria?

Qoraagi caanka ahaa ee reer Australia ayaa wuxuu yidhi; uma baahnid inaad dhagaysato ama aad rumaysato waxa ay dadka kale kaa sheegayaan, waxaadse  u baahantahay inaad yaqiinsato waxa aad  tahay ee aad ogtahay inay dhabtahay.

Waxaa filan waa ku noqotay Ina Ilay markuu waayay wixii dhagaha loogu shubi jiray oo dadkii uu is-lahaa waxay kuu tagan yihiin wadooyinka Minnesota iyo London ay ka kala yaaceen arimahaasoo maal farabadanna looga cunay. Waxay indhihiisa rumaysan kari waayeen kumanaankii  sida shinad ugu soo xoomay oo meel uu ka galana u diiday? 

Dabcan Ina Ilay la-taliyihiisa ayaa u sheegay oo ku yidhi waad guulaysatay, taasoo la mid ahayd un feedh-yahankii isagoo dhiigaya uu tababarihiisu ku lahaa waad badinaysa.

Waxaan ruuxna ka qarsoonayn guusha wayn ee jaaliyaduhu soo hooyeen, gaar ahaan dalka  Koonfur Afrika  oo sanadkii hore dhamaadkisii horseed u noqotay  halganka lagu sifaynayo daba qoodhiga dibada arintaasoo xaqiiqo ka dhigtay in aan isbadal samaynkaro hadii aan isku daynu.  Waa hadaan  sidaa  go’aansano.

Hadaba inkasta oo guushaasi sal dhigatay lana hanjabiyay shirqoolkii cadowga ee loo adeegsanayay dhuuni raaca iyo maangabka, hadana waxaa si wayn loogu baahanyahay kor u qaadida iyo xoojinta ka hortaga siyasadaha cadowga.

Waxaa soo cusboonaatay  in  daba qoodhinimadii  ku shaqayn wayday adeegsiga  dhuuni raacayada in laysku dayayo hadda in lagu  fuliyo dad sheeganaya   hogaamiye dhaqameedyo iyo kuwo magacyo kale wataba. Waxaana hubaal ah oy dadku wada ogsoonyihiin inaan cidna lagu dhowrayn magac dhaqan iyo mid culimo  iyo kuwa kalaba hadii ay isku dayaan inay u so huwadaan majara habaabinta shacabka. 

Qormadan  waxaad  kal socon doontaan bilkasta Birmad iyada oo mar walba lagu falanqayn doono iskudayada cadowgu ku doonayo waxyeelaynta qurba joogta Ogadenia.

Omar jigjiga/KOONFUR AFRIKA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay