Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adis-Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay hubka qaateen qaar kamid ah baarlamaanka golaha deegaanka ee magaalada Adis-ababa.

Warkan oo aan kahelay ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa cadaynaya in ay 3 xubnood oo kamid ah Golaha
Deegaanka maamulka magaalada ee Adis-ababa hubka qaateen.

Sida aan xogtan kuhelay Sursfel Zewdu, Meron Alamayow iyo Tilahun Abeje oo dhamaantood kamid ah Golaha Maamulka Addis-Ababa ayaa hubka qaatay kadib markay quus ka istaageen in wax laga badali doono wadada mugdiga ah ee ay ku siisocoto xukuumada wayaanaha ee ay caynaanku uhayso kooxda yar ee TPLF ee talada
wadanka xooga kuhaysata.

Xubnahan oo kamid ahaa dadka ugu cadcad Golaha Deegaanka ee Magaalada Adis-ababa ayaa ugalay jabhada Gimbot 7 Arbanyoj waxayna ku dhawaaqeen in ay go’aan sadeen in ay hubka qaataan kadib markay mudo dheer sugayeen in ay xukuumadu xaliso dhibaatooyinka kajira gudaha wadanka isla markaana wax laga qabto shaqo la’aanta iyo musuq maasuqa kajira hay’adaha dowlada taas oo ay kusheegeen in lagu raadin karo qori afkii oo kaliya xalkuna uu kujiro sida ay hada sameeyeen.

Xubnahan aan magacooda kor kusoo xusnay ee hada kamidka ah jabhada Gimbot 7 ayaa sidoo kale katirsanaa xisbiga Blue (Samaysei Party) ee mucaaridka ah, waxayna sheegeen in ay inbadan xukuumada iyo xisbigaba kala hadleen sidii looheli lahaa cadaalad iyo sinaan dhinaca siyaasada iyo khayraadkaba ah iyo waliba sidii loola xisaabtami lahaa xubnaha ku tagri fala hantida dadwaynaha balse waxay sheegeen in ay ogaadeen in uu xalku kujiro riditaanka xukuumada hada jirta ee wayaanaha.

Sikastaba ha ahaatee kacdoonkii shacabka ee ku aadanaa cadaalad darada xukuumada TPLF ayaa gaadhay in ay kusoo biiraan qaar kamid ah mas’uuliyiinta sar sare sida Baarlamaanka iyo saraakiisha ciidamada iyo waliba dad magac kulahaa xukuumada wayaanaha waxayna xaaladu maraysaa meel aan laxakamayn karin.

ONA.

Barl A A

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay