Wararka aan ka helayno Magaalada Addis-ababa ee caasimada u ah taliska Wayaanaha ayaa sheegaya in halkaas uu
shalay kadhacay dagaal faraha laysula tagay oo keenay dhimasho iyo dhaawac badan. Sida warkan aan helay uu cadaynayo dagaalka ayaa dhexmaray dadka shacabka ah ee kunool xaafad kamid ah xaafadaha magaalada Adis-abab
oo ay dagaan dadka danyarta ah iyo ciidanka Police-ka Wayaanaha.

Ilaha warkan aan kasoo xiganay ayaa sheegaya in ay ciidanka Booliiska wayaanaha oo hubaysan ay dadka shacabka ah ku amreen in ay ka huleelaan guryahooda si danaha ay dowladu kaleedahay loogu isticmaalo xaafada, Haseyeeshee dadkii shacabka ahaa ee xaafada ayaa iska diiday amarka ciidanka Booliiska waxayna dadwaynuhu bilaabeen in ay isusoo baxaan si ay umuujiyaan shucuurtooda.

Intaas kadib booliiskii wayaanaha oo adeegsanaya hubkooda ayaa bilaabay handadaad ay kusameeyaan shacabka
xaafada si ay go’aankooda umeel mariyaan, hase yeeshee dadkii shacabka ahaa ayaa booliiska kala horyimid iska caabin iyagoo adeegsanaya wax kastoo ay heli karaan waxaana halkaas kabilowday dagaal culus oo dhexmaray booliiska wayaanaha iyo dadka shacabka ah ee ku dhaqnaa xaafada ay Woyaanuhu bar tilmameedsadeen wuxuuna dagaalkaas keenay dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay labada dhinacba.

Sida aan xogta kuhelay dadka shacabka ah ee gadooday ayaa dilay 10 ilaa 15 kamid ah ciidanka Booliiska Wayaanaha
waxayna shacabku is hortaageen iskudaygii ciidanka, Sidoo kale booliiska oo adeegsanayay hubkooda ayaa shacab aad ubadan gumaaday halka ay xabsiyada kabuuxiyeen dadwayne badan oo kamid ah dadkii ka gadooday falka ay
booliisku kula dhaqaaqeen hantidooda iyo sharaftooda.

Waxaa xusid mudan in dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2015 uu  fashilmay qorshe ay xukuumada gumaysigu  doonaysay in ay kula wareegto xaafado magaalada Addis-Ababa ah iyagoo ugu magac daray in ay balaadhinayaan magaalada isla markaana ay soo celinayaan bilicdii magaalada, hase yeeshee dadwayne aad ubadan ayaa sixoogan arintaas uga horyimid waxaana qorshahaas xukuumada wayaanuhu ay damacday kunaf waayay shacab aad ubadan oo kamid ah qawmiyada Oromada halka kuwo kaloo badana xabsiyada ladhigay.

Sikastaba ha ahaatee qorshahan cusub ee xukuumada TPLF ayaan la ogayn meesha uu ku dambayn doono waxaase muuqata in ay shacabku sicad uga soo horjeedaan qorshayaasha guracan ee dhul iyo hanti boobka ah oo ay wado xukuumada TPLF.

ONA,

13532951_10102386961851113_1727064118736905919_n13532824_10102387114420363_2704682016893811828_n13528720_10102386961816183_5111486276026899407_n

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay