Kulanka lagu soo bandhigayey Daahfurka Qorshaha Qaran ee sadexda sano ee soo socota oo ka bilaabaneysa Janaayo 2017-ka kuna eg Diseember 2019-ka ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dalka Xasan Sh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha xukuumada Cumar Cabdirashiid, gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheakh Cismaan (Jawaari) xubno katirsan golaha wasiirada oo uu kamid ahaa wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyo marti sharaf ka socotey Qaramada Midoobey.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Canyte ayaa ka sheekeeyey ujeedooyinka barnaamijka Qorshaha Qaranka ee lagu bedalayo New Deal waxaana uu yidhi: “Ujeedooyinka ugu muhiimsan een ka leenahay waaxaa kamid ah in aan yareyno saboolnimada, horumarin aan ku sameyno dhaqaalaha dalka, iyo arimo kaloo shacabkeenu ay u baahan yihiin” ayuu yidhi wasiir C/raxmaan Ceynte.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa si rasmi ah barnaamijka Qorshaha Qaranka u furey waxaana uu yidhi:  “Waa maalin taariikhi ah inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah. Tani waxay muujineysaa in dowladnimadeena ay xoogsaneyso. Dalna ma shaqeyn karo haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawlaha uu qabanayo. Sidaad la socotaan xilligiii ay dowladdan xafiiska timid waxaa mar walba ka go’nayd inay sameyso qorshe lagu hawlgalo, inagoo ka bilowney miisaaniyaad ku meel gaar ah oo aan dejinay dhammaadkii 2012-ka’’.

qorshaha

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo 3 sanno ah ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo kamid ah dhimista faqriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dowliga ah, hirgalinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga qaranka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay