Qaraxyo ayaa ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Ata-Turk ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.46 qof ayaa lagu soo waramayaa inay halkaa ku dhinteen ugu yaraan 234 kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa is rasaaseeyay dadkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada booliska ee dalka Turkiga.  Wararka qaar ayaa sheegaya in 3 qof oo weerarka dadkii soo qaaday kujiray ay ismiidaamiyeen. Si kastba ha,ahaatee booliska ayaa toogtay mid kaloo kamid ahaa dadkii weerarka gaystay.

Duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Ata-Turk ayaa garoomo kale loo weeciyay dadweynahana waxaa loogu baaqay inaysan meeshaa amni ahayn oo aysan soo galin.

Madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Tayep Ordogan ayaa sheegay in qaraxyadaas ay gaysteen cadaw doonaya inay borobagaando ku abuuraan xanuunka iyo daadinta dhiigga dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan. Dawlada Turkiga ayaa weerarkaa ku eedeysay kooxda Daacish (ISIS).

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay