Madaxda wadamada Midawga Yurub oo ku kulansanaa magaalada Brussels ayaa ka codsaday wadanka Britain inay soo bandhigto qorshaha ay uga baxayso Midowga Yurub sida ugu dhakhsiyaha badan.
Guddoomiyaha guddiga Yurub Jean-Claude Juncker ayaa sheegay in ay tahay in aysan qaadan bilo talaabada xigta,  Hanaanka lagu bilaabayo wada xaajoodkana ka bxitaanka Britain ayaa la filayaa in la billaabo isla marka ay Britain hesho ra’iisul wasaare cusub.

Ra’iisalwasaaraha haatan talada dalka haya, David Cameron, oo u ololeynayay in Britain ay kasii mid ahaato Midowga Yurub ayaa sheegay inuu xilka ka degi doono bisha October. Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay inaysan u muuqan fursad dib looga laaban karo go’aanka Britain.

Waxay sheegtay in Yurub ay tahay inay la tacaamusho xaqiiqda hor taalla, xidhiidhka Midowga Yurub iyo Britain ee mustaqbalkana uu noqdo mid saaxiibtinimo iyo iskaashi leh.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay