liberty_or_death_01Gumaysi wuxuu dal ku qabsadaa xoog, wuxuuna ku xukumaa argagixin iyo cabsi galin joogta ah. Qofka doonaya inuu ka xoroobo gumaysiga waa inuu marka hore ka xoroobo cabsida. Kamana xoroobi karo cabsida hadaanay xoriyadda kala qaalisanaanin naftiisa iyo wax walba oo agtiisa qiimi ku leh. Markuu leeyahay Patrick Henery oo ka mid ahaa asaasayaashii kacaankii Mareykanka ay kaga xoroobeen taajka Ingriiska; (Give me Liberty or give me death – I Dil ama Xoriyadayda i sii ), wuxuu ulajeeday inuusan diyaar u ahayn inuu sii noolaado isagoon xor ahayn.

Gumaysiga wuxuu bulshada uu gumaysto ku hantaa kuna xukumaa cabsigalin joogta ah oo muwaadinka dalka u dhashay uuna lahayn xuquuq uu ku ilaashado naftiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisa. Shacab gumaysi ku jira wuxuu la mid yahay xoolo kawaanka la keenay oo kolba neefkii la doono lagala soo baxayo. Sidaa darteed ayuu gumaysiga xoog iyo xeelad wuxuu haysto isugu geeyaa, siduu ugu soo celin lahaa shacabkii ka baxa xeraday ugu jireen. Hadaad aragto shacab xabsiyada ka buuxa ama si aabayeel la’aan ah loo gumaadayo, waxaad ogaataa inuu yahay shacab nool oo u dhaqaaqay inuu ka xoroobo dulligii saarnaa, sababtoo ah Adoon adeegaya oo ogol adoonsiga, cidna ma disho mana xidho.

Ninka lagu magacaabo Che Guevera (Jifaara) oo ahaa nin tawri ah oo dalal badan oo caalamka ah kala soo dagaalamay gumaysiga ayaa waxaa ka mid ah hadalada dhaxalgalka ahee uu ka tagay; (We cannot be sure of having something to live for unless we are willing to die for it) Ma ogaan karno inuu jiro waxaan aaminsanahay inuu nagala qaalisan yahay nafteena, hadaanan diyaar u ahayn in aan dartii u dhimano. Sababta uu sidaa u yidhi waxay tahay; qof kasta wuxuu sheegtaa inuu gumaysiga neceb yahay oo xoriyadda jecelyahay. Hasa ahaatee, maadaama aan xoriyadda baryo lagu helin, inyar ayaa diyaar u ah inay u huraan maal iyo naf say umadooda uga saaraan heeryada gumaysiga uu saaray. Ilaahayna wuxuu noogu sheegay Quraanka in aanay sinayn kuwa naftooda iyo maalkoodaba huraya iyo kuwa cudurdaar la’aan iska fadhiya ee ku daawanaya..

( لا يستوى القاعدون من المؤمنين غير أولى الضرر .. والمجاهدون في سبيل الله بأموالهم وأنفسهم .. )

Hordhacaa yar hadaan halkaa ku dhaafno, waxaa muhiim ah in aan ogaano tabaha uu gumaysiga adeegsanayo suu bulshada ugu hayo argagax iyo cabsigalin joogta ah, ka dibna aan isla fiirino sidii looga gudbi lahaa oo looga xoroobi lahaa cabsida.

xasuuqUgu horeyn; gumaysiga wuxuu doonayaa inuu hanto bulshada isagoo ujeedada uu ka leeyahay ay tahay inuu badalo oo maareeyo dhaqanka iyo suluuga bulshada. Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya oo ah shacab muslim ah oo ree guuraa ah, waxaa dhaqan u ahaa Gumaysidiid iyo Geesinimo. Wuxuu gumaysigu doonayaa inuu ku badalo dhaqan midkaa kasoo horjeeda oo ah Gumaysiogol iyo Fulaynimo. Suu u hirgaliyo hadafkiisaa, wuxuu guamsyigu kula dhaqmaa bulshada gacan adayg (abusive), khiyaano (deceptive) iyo khaarijin ama gacan qarsoon (underhanded tactics).

Aqoonyahano badan ayaa arimaha gumaysiga wax ka qoray, waxayna kusoo ururiyeen 3ex qodob inuu adeegsado gumaysiga suu hangoolka ugu soo celiyo bulshada. Marka ugu horeysa ee shacabka ay gadoodan oo qayb ka mid ah ay hubka qaataan, wuxuu ku qaadaa weerar isdaba joog ah oo uu doonayo inuu ku han-jabiyo bulshada, kuna muujiyo awooda ciidankiisa. Markay weeraradiisa iska caabiyaan bulshada oo isku duuban oo ciidankiisa uu mooraal jabo, wuxuu bilaabaa inuu bulshada ka aargoosto una xasuuqo si naxariis-darra ah, xabsigana ka buuxiyo say uga cabsadaan inta soo hadha inay sii wadaan halganka. Haduu shacabkaasi u adkaysto dhibkaa xad-dhaafka ah oo uu ka quusto Gumaysiga inuu ogolaysiiyo shuruudiisa, wuxuu bilaabaa inuu daraaseeyo meeshay u jilicsan yihiin kadibna uu ka weeraro halkaa. Marxaladdan 3xaad ayuu marayaa halganka ka socda Ogadenya, wuxuuna gumaysiga adeegsanayaa tabo (tactics) aan horey usoo marin bulshadeena oo ah afduub iyo gorgortan.

Waxaa ka mid ah ereyada aan af-somaliga ku lahayn macno dhamaystiran oo xambaari kara ujeedada laga leeyahay weedha ah (Emotional Blackmail الإبتزاز العاطفي – ) oo ah barnaamijka uu adeegsanayo gumaysiga Itobiya. Erey haduuna ku jirin afka uu shacab ku hadlo waxay muujinaysaa in ereygaasi aanay bulshada aqoonin kuna dhaqmin. Waxayna ku xidhan tahay mudada ay qaadanayso inay bulshadaasi kaga hortagto tabaha cusub ee gumaysiga uu adeegsanayo, kolba habka ay ula falgalaan hormuudka bulshada oo ah Halgamaaga Bulshada.

Gabadh baac ku leh aqoonta cilmi-nafsiga oo la yidhaahdo Susan Forward ayaa markii ugu horeysay sharaxday erey-bixino ay ka mid yihiin (Emotional blackmail iyo FOG), oo loola jeedo in Qof lagu hanto (koontroolo) caadifadda ka dhexeysa isaga iyo dadka ugu xiga ee eheladiisa iyo qaraabadiisa ah. Waxay tidhi gabadhaasi; qofka la doonayo in la koontroolo waxaa loo adeegsadaa barnaamijka FOG oo ka kooban xarfaha Fear, Obligation, Guilt ( Cabsi, Masuuliyad, Dambi ). Markii la darsay bulshada Somaaliyeed, gaar ahaan bulshada Ogadenya, waxaa la ogaaday inay tahay bulsho diini ah, isla markaana isugu xidhan hab qabiil. Diintu waxay faraysaa qofka muslimka ah inay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta iyo daryeelka waalidiintiisa, kuwa la dhalashay iyo qaraabadiisa. Dareenka qabiilkana wuxuu leeyahay caadifad culays xambaarsan oo lagu cadaadin karo qofka aanay u kala soocnayn kala mudnaanta Wadaniyadda iyo Qabyaaladda.

Faahfaahinta adeegsiga FOG iyo siyaabaha looga hortagi karo waxaan kaga bogan doonaa maqaalada xiga. La socda.

Noora Afgaab/Jigjiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay