Laamaha Amniga ee dalka Turkiga ayaa ku talaabsaday hawlgalo ay kusoo qabteen kooxo lasheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish oo ku sugan magaalada Istanbul iyo magaalada Ismir.

Hawlgaladan laxidhiidha weerarkii lagu qaaday garoonka caalamiga ah ee Ataturk ee magaalada Istanbul ayaa ahaa kuwo balaadhan oo lagu soo qabtay dad gaadhaya 13 qof oo lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxdii gaysatay weerarka.

Waaxaha Dambi baarayaasha Turkiga oo si wayn ugu dadaalayey inay helaan aqoonsiga raggii fuliyey weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Airporka istanbul oo ay ku dhinteen dad gaaraya 42 qof 234 kalana ay ku dhaawacmeen ayaa waxay sheegayaan inay hayaan cadaymo lagu ogaan karo dadkii weerarkan gaystay.

Waxaa sidoo kale lashaaciyey muuqaalo hor leh oo muujinaya in qaar kamid ah kooxda weerarka fulisay ay kahor qaraxyada ay dilal qorshaysan u gaysteen qaar kamid ah illaalada garoonka oo isugu jira askarta labisan iyo kuwa dhar-cadka ah ee madaniyiinta ah.

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay hada baadhitaan kuwadaan koox ay sheegtay inay ka tirsan yihiin xagjiriinta Daacish oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Ruushka, Uzbekistan iyo Shiishaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay