Madaxweyne Barack Obama ayaa walaac ka muujiyay koritaanka dhaqaalaha dunida, kadib Brexit (Bixitaankii UK ee EU) in uu noqdo mid xaqiiqo ah oo dhab ahaan u jira. Sida laga soo xigtay Obama, bixitaanka Britain ayaa kordhin doona walaaca ku saabsan koritaanka dhaqaalaha caalamka.

Haddii bixitaanku xaqiiqo noqdo, waxaa imaaneysa in lajoojiyo fursado maalgashi oo Britain ama EU lagu samayn lahaa. Waxay abuuri kartaa koritaanka dhaqaalaha adduunku in uu noqdo mid hooseeya maadaama markii horeba u ahaa mid hoseeya, ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

Obama ayaa ka codsadey raysalwasaaraha Britain iyo madaxda Midowga Yurub in lahubiyo geeddi socodka bixitaanka British-ka, sida ugu habaysan uguna suurta gashan, khudbad uu kajeediyay magalada Ottawa ee dalka Canada shir u dhexeeyey dalalka Canada, Mexico iyo Maraykanka.

Obama ayaa sheegey in bixitaanka British-ku u noqon doono mid adag waxaana uu yidhi: ” Waxa ay noqon doontaa mid aad u adag oo caqabado leh, laakiin macnaheedu maaha in aad ku argagaxdo”.

Qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub ayaa doonaya in Britain ay fuliso qodobka 50 ee heshiiskii Lisbon marka dal codsado in uu ka baxo Midowga Yurub in uu codsigiisa u gudbiyo Midawga si loo bilaabo bixitaanka taas oo Britain weli ka dhega adaygeyso oo ay sheegayaan in aan hadda loo baahneyn.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay