Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01/july/2016 baaq soo saaray ururka culumada Ogadenia faracooda dalka Yamen waxayna ugu baaqeen dhamaan bulsho waynta Ogadenia, Jahliyadaha iyo xubnaha JWXO inuu inagu soo gool leeyahay habeen aad u qiimo badan loona baahan yahay inaan kaga faa’iidaysano khayr iyo duco.

Habeenkan ayaa waxaa lagu sheegay quraanka kariimka ah inuu ka badan yahay kun bilood waxaana logu baaqayaa in loo duceeya dalka Ogadenia in ilaahay ka dulqaado Gumaysiga dhibaatada haysata oo uu ku hayo gumaysiga Itoobiya.

Waxaana culumadu soo jeediyeen in loo tukado laba rakcadood oo loo niyaysto wadankeena ruux kastana kaga faa iidaysto habeen kaas duco iyo acmaal wanaagsan ilaahay ayaa wuxuu quraan kiisa ku yiri ” واذا سالك عبادي عني فاني قريب اجيب الدعوة الداعي اذا دعاني”. Hadaba waxaan ugu Baaqaynaa dhamaan ba Bulsho waynta Somalida Ogadenia inay u duceeyaan dalkeena iyo dadkooda in ilaahay uu ka dul qaado dhibaatada.

 

By Ururka Culumada Ogadenia  faraca Yamen

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay