Shalay oo Jimce ahayd taariikhduna ay kubeegnayd 1/7/16 Waxaa xareda qoxootiga Dhagaxlay ee deegaanka Dhadhaab siwayn looga xusay 1 luuliyo oo ah maalinta ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee Jamhuuriyada
Soomaaliya, xaflada lagu maamuusayay maalinta xoriyada Koonfurta Somalia ayaa lagu qabtay hool wayn oo kuyaala badhtamaha xerada qoxootiga Dhagaxlay waxaana kasoo qayb galay dadwayne aad ufarabadan oo kamid ah dadka kudhaqan xerada.

Dadka xaflada lagu marti qaaday waxaa kamid ahaa bulshada Ogadenia ( Ogaden Community ) waxaana umatalayay
gudoomiyaha gudiga qoxootiga Ogadenia ORCC mudane Cabdi Maxamad Gaaciye iyo xubno kamid ah bulshada
Ogadenia, furitaankii xaflada oo siwayn loogu wada istaagay kadib waxaa lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha
Qoxootiga Ogadenia wuxuuna gudoomiyuhu hambalyo iyo bogaadin maalintan ku aadan kadib madasha kasoo jeediyay taariikh kooban oo kusaabsan soomaaliwayn iyo halgamadii lagu doonayay in lagu xoreeyo 5ta  Soomaaliyeed wuxuuna gudoomiyuhu xusay hanashada xornimada 1 July in ay utimid dhamaan 5ta Somaliyeed.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa dhalintii xaflada kasoo qayb gashay usharaxay waxa ay utaagantahay xidigta cad ee
shanta gees leh wuxuuna gudoomiyuhu mid mid udul istaagay xidigaha shanta ah isagoo sheegay in ay ukala taagan yihiin Ogadenia, Djabuti, NFD, Somaliland iyo Jabhuuriyada Somalia oo ah tanmaanta xuskeeda lootaagan yahay.

Sharaxaada gudoomiyaha ayaa dhalintii soomaaliyeed ee xaflada timid aad ugu riyaaqeen waxayna xafladu isu badashay goob sacab iyo alalaas. Wuxuuna mudane Gaaciye kusoo gabagabeeyay khudbadiisa in ay dhalintu
xasuusnaadaan soomaalida xorta ah iyo kuwa lagumaystaba sida Ogadenia oo kale.

Sidoo kale waxaa khudbado ku aadan maalintan soo jeediyay dhalinyaro soomaaliyeed waxayna dhalintu dhamaan
xusayeen in loobaahan yahay shantii soomaaliyeed oo midoowda iyo in lacidhib tiro qabyaalada iyo isnacaybka dadka soomaaliyeed dhexdooda ah.

Xaflada maanta oo lagu maamuusayay 56 guuradii kasoo wareegtay markay gobolada koonfureed Talyaaniga xoriyadooda ka qaateen ayaa kaduwanayd xafladihii hore waxayna xaflada maanta hadheeyay midnimada 5ta
soomaaliyeed iyo dib unoqoshada qoxootiga ee wadankoodii hooyo ee Somalia.

Guntii iyo gunaanadkii xafladii oo ay kasoo qayb galeen dadwayne aad ubadan oo shucuurtoodu aad u kacsanayd ayaa kusoo dhamaatay sinabad galiya ah waxaana xaflada siwayn uga muuqday bulshada Ogadenia ee qoxootiga ku ah wadanka Kenya.

ONA Dhadhaab.

image image image image image

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay