War kasoo baxay booliska magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangaladhesh ayaa sheegaya inuu halkaasi iska horimaad ka socdo, kadib markii ay kooxo hubeysan weerareen goob makhaayad ah.

Weerarkan ayaa lagu qaaday xaafada Gulshan oo ay ku yaalaan Safaaradaha isla markaana ay degen yihiin dadka diblumaasiyiinta ah. Illaa iyo hada khasaaraha lama oga waxay Boolisku sheegayaan inuu weli socdo iska horimaadka, maleeshiyada hubeysan oo aan tiradooda la aqoon ayaa la sheegayaa inay dad qafaasheen.

Goobta uu iska horimaadka ka socdo ayaa lasheegay inay tahay makhaayad caan ah oo ay isugu yimaadaan dadka ajaanibta ah. Ma jirto koox weli weerarkan sheegatay, hase yeeshee weeraro u badan dilal qorsheysan oo bilihii lasoo dhaafay dalkaasi ka dhacayey ayey sheegteen kooxo xariir laleh Al Qacida iyo kooxda Daacish.

Kooxda Daacish ayaa dhawaan taageerayaasheeda ugu baaqday inay weeraro ka geystaan dhulka ay ku sugan yihiin xiliga lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadanka.

dhaka-bolis-740x435

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay