Ciidanka Militariga ee dalka Bangladesh ayaa sheegay in 20-qof ay ku dhinteen weerarkii ka dhacay makhaayad ku taalla caasimadda dalkaas ee Dhaka.

Milateriga ayaa intaa raaciyay in 6 kamid ah kooxdii weerarka gaysatay isla goobta weerarku kadhacay lagu dilay. Mid kamid ah kooxdii weerarka fulisay ayaa noolal lagu qabtay oo ciidanka amaanku ay gacanta kuhayaan.

Ra’iisul wasaaraha dalka Bangaladeesh, Sheikh Hasina, ayaa wacad ku martay in ay dalkeeda ka tirtiri doonto kooxaha argagixisada iyo waliba xagjirnimada.

Waxaa xusid mudan in Dableey hubaysan ay galeen makhaayad ku taalada xaafada ay ku badanyihiin ajaanibta gaar ahaan safaaradaha iyo diblomaasiyiinta oo ku taala caasimada Dhaka habeennimadii Jimcaha ahayd, waxaana ay halkaasi dad ku haysteen saacado badan.

Ururka isku magacaabay dawlada Islaamiga ah ah (Daacish) ayaa sheegtay fulinta weerarkan inay iyagu ka dambeeyeen.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay