Warar hordhac oo naga soo gaadhay wadanka Kenya ayaa sheega in ugu yaraan 6-qof geeriyootay kadib markii rag hubeysan ay maanta rasaas ku fureen laba baabuur oo rakaab ah kuwaasoo meel u dhow xududda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya marayay.

Madaxa Booliska Kenya, Joseph Boinnet oo saxaafada lahadlay aya sheegay in ciidamada booliisku goobta tageen 6-qof oo mayd ahna ay arkeen, waxaa kaloo uu intaas raaciyay Mr. Boinnet ” Waxaa lagu daba jiraa kooxdii weerarkan gaysatay oo baxsatay”.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay yihiin shan qof oo shacab ah iyo qof boolis ahaa. Ugu yaraan 11 qof oo kale oo rayid ahna ayaa lagu dhaawacay weerarakan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada lagu kala magacaabo Ceel-Waaq iyo War-Guduud.

Weeraro noocan oo kale ah oo horey uga dhacay gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa waxaa fuliyey oo sheegtay inay iyagu ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay