Laba Masuul oo kamid ah saraakiisha kooxda Daacish (ISIS) ayaa weerar duqayn ah lagu dilay meel u dhaw magaalada Muusil ee Waqooyiga dalka Ciraaq, sidaas waxaa lagu sheegay war kasoo baxay Xarunta Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon.

Weerarka ayaa dhacay 25 Juun sida warbixinta lagu sheegay. Waxaana Maraykanku sheegeen in ay dileen labada Masuul oo lagu kala magacaabo Basim Maxamed Axmed Sutalaan al-Bajari iyo Hatiim Talib al-Hamduni, sida uu sheegay afhayeenka Pentagon Peter Cook.

Al-Bajaari ayaa horey uga tirsanaan jirey al-Qaacida, waxaana uu hoggaaminayey weerarkii Muusil ay ku qabsadeen ISIS sanadkii 2014, Ninka kale ayaa lasheegay in uu madax ka ahaa  Booliska ISIS (Daacish) ee gobolkaas.

Maalmo kahor ayey ahayd markii ISIS laga saarey magaalada ay muddada dheer haysteen ee Faluujah, waxaana la sheegayaa in ay kuwaayeen dagaalyahano aad u badan intii dagaalku uu kasocday magaalada Faluujah oo ahayd goob istiraatiiji ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay