Wararka ONA kasoo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan Gobolka Qorahay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay bilaabeen inay si qasab ah ku raafaan dhalinyarada (caruur) aan wali qaan gaadhin ee Somalida Ogadenya waxaana xabsiga loo taxaabayaa dhalinyarada diida inay qortaan ciidanka Woyaanaha.

Sida warku sheegayo dhalinyaradan waxaa kamida ciyaalka iskuulada, xerta masaajida wax kabarata sidoo kale waxaa gumaysigu ku qasbayaa odoyaasha Somalida Ogadenia inay keenaan askar ciidan laga dhigo.  Askartan ayaa waxaa lasheegay in loodirayo xuduuda u dhaxaysa wadanka Eritrea iyo Itoobiya oo dhawaan ka dhex qarxay dagaal khadhaadh.

Labada wadan ayaa waxaa dhexmaray dagaal ay kumanaan ku nafwaayeen sanadihii 1998-2000, taasoo uu Gumaysiga Itoobiya dulmi & xaqdarro ku damaaciyay wadanka Eritrea, balse ay guul-darro karaacday. Gumaysiga Itoobiya ayaa kumanaan Somalida Ogadenya kamid ah sidan oo kale uga raafay Wadanka Ogadenia asagoo soo daadiyay wixii dagaalka ku dhintay mooyeene intoodii kale iyagoo wada jajaban oon xataa loo fidin wax daryeel caafimaad ah noocuu doonaba ha ahaadee.

Shacabka Somalida Ogadenia ayaa aad ugu dhag taagaya uga digtoon khayaanada Itoobiya oo doonaysa in markale ay dabka saarto wixii kasoo hadhay dagaalkii xaqdarrada ahaa ee Gumaysigu uu ku qaaday wadanka Eritrea.

Tuulada Nusdariq oo katirsan dagmada Marsin ayaa la sheegayaa in laga qoray koox dhalinyaro ah sidoo kale waxaa xabsiga loo taxaabay kuwii diiday ciidan wayaanaha ayaa xoog u adeegsada inta badan dhalinyarada Somalida Ogadenia.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay