Ku Dhawaad 90 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 170 kale.

Ururka isku magacaabay dawladda Islaamka ee daacish ayaa sheegtay in uu mas’uul ka dambeeyay qaraxa koobaad, oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah kana dhacay makhaayad ku taalla xaafadda Karada ee badhtamaha caasimadda Baqdaad, halkaasi oo uu ka dhashay khasaaraha ugu badan.

Sida ay wararku sheegayaan waxa uu qarax labaad ka dhacay waqooyiga caasimadda Baqdaad, waxaana ku dhintay 4 qof oo kale. Qaraxyadan oo ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Baqdaad ka dhaca sanadkan, ayaa kusoo beegmaya ayadoo todobaadkii hore ay ciidanka Ciraaq magaalada Falluujah ka qabsadeen xooggaga dawladda Daacish.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay