Sidii aad wararkaanagii hore kula socoteenba ciidanka Woyaanaha ayaa ku xasuuqay caruur aan waxba galabsanin dhulka Oromiya.

Shacab gadoodsan ayaa iskugu soo baxay mudaaharaad balaadhan aaskii caruurtii Woyaanuhu laayay. Shacabkan kasoo qaybgalay banaanbaxa oo ku dhawaaqayay hal-kudhagyo kadhan ah Woyaanaha ayaa balan ku qaaday inay usoo aari doonaan caruurtii sida waxshinimada lahayd loo xasuuqay.

Wararka ONA soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in jidka isku xidha magaalooyinka Harar iyo Addis Ababa ay xidheen shacabkii kasoo qaybgalay aaska caruurtan Woyaanuhu xasuuqay.

Dahaba daawasho wacan banaanbixii ka dhacay magaalada Awaday oo katirsan Gobolka Hararge ee deegaanka Oromiya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay