Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan gobolkaJjarar magaalada Birqod  ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay dad shacab ah ku xidh xidheen Tuulada lagu magacaabo Sanka-dhane oo wax yar u jirta magaalada Birqod ee Gobolka Jarar.

Dadkan uu gumaysigu xabsiga u taxaabay ayaa waxaa kamida ah qoys lagu magacaabo ree Cabdi Gaanbiye oo ka kooban Qoys dhan ciidanka wayaanaha ayaa waxay u gaysteen oday wayn iyo reer kiisiiba jidhdil badan waxayna kusoo uruuriyeen xero ciidan oo ku taalada magaalada Birqod oo layiraahdo Riiga.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay laban laabeen bar yahan dambe dhibaatadii ay ku hayeen dadka rayad ka ah waxayna ka gaysteen gudaha ogadenia tacadiyo kala duwan sida dil, kufsi iyo boob baah san oo ay ku hayaan hantida dadka rayad ka ah een waxba galabsanin.

ONA/Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay