aust.5

Gudiga Jaaliyada Ogadenia ee Melbourne ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 03/07/2016 kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta jaaliyada, sida caadada ahayd aayado quraanka kareem ka ah oo la akhriyay kadib waxaa la guda galay ajanda yaashii shirka  gudiga fulinta  waxaana lagu lafo guray arimo aad muhiim ugu ah halganka qadiyada soomaalida ogadenia iyo horu socodkiisa waxaa intaa sii dheeraa sadaqada zakatul fidrida iyo deeqaha kale ee ay bixiyaan dad yawga islaamka ah ee ku nool wadankan Australia sidii loo gaadhsiin lahaa  agoonta iyo dadka u baahan ee ku sugan xeryaha qaxootiga wadanka kenya ee ay soo baro kicisay xukuumada wayaanaha ee Tplf  waxaa kale oo gudigu qorsheeyay udiyaar garawga iida iidul fidriga oo wakhtigeedii lasoo gaadhay si ay jaaliyadu dhamaan farxad ugu wado iido insha allah.

shirkan oo ahaa mid aad tayadiisu usarayso ayaa kusoo gabo gaboobay farxad iyo is fahan,guul iyo gobo nimo,mintid isku tashi Allahu-Akbar

ONA-Melbourne

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay