War goor dhaw naga soo gaadhay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa xaqiijiyay in ay Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia (CWXO) cagta mariyeen fadhiisin ay ciidanka wayaanuhu kulahaayeen
deegaanka Huuraale.

Sida warku sheegayo dagaalkan ayaa ahaa weerar ay naftood hurayaasha CWXO ku cibaadaysteen bisha barakaysan ee Ramadaan wuxuuna howlgalku ahaa mid udhacay sidii ay u qorsheeyeen saraakiisha Ciidanka JWXO ee aaga Nogbeed.

Siday ay sheegayso Xarunta Dhexe ee JWXO weerarkan ayaa dhacay habeenimadii xalay oo Isniin ahayd waxayna
xaqlayaashu beegsadeen ciidan ay wayaanuhu ugu tala galeen in ay xasuuqaan dadka shacabka ah ee deegaanka Huusaale oo Tuulada Garigo’an ee Gobolka Nogob katirsan ku dhaqan, waxaana ciidanka xoraynta Ogadenia
usuurta gashay in ay guud ahaanba lawareegaan fadhiisinkii ciidanka cadawga ee deegaanka Huusaale.

Sida ay xogtu sheegayso khasaaraha ciidanka gumaysiga Itoobiya ayaa gaadhay meel aad usaraysa kadib markii ciidankii cadawga laga dhigay qaar lalaayay iyo kuwo dhaawacyo daran ah waxaana lagusoo waramayaa in dhaawaca wayaanuhu uu hada yaalo magaalada Jigjiga.

Sikastaba ha ahaatee Ciidanka xooga dalka Ogadenia ayaa umuuqda kuwo sifiican uga faa’iidaystay bishan Ramadaan ee aan kujiro waxayna bishan galeen dagaalo badan oo ay labeegsadeen ciidanka gumaysiga ee kusugan wadanka Ogadenia.

Faahfaahinta Dagaalkan kala soco ONA hadii alle idmo.

ONA/Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay