Madaxda Madasha wada tashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyey in ergooyin tiradoodu dhan tahay 14,025 ay soo doortaan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban 275 xildhibaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa laga sugayaa inay soo xulaan ergooyinka u matalaya deegaamada ay matalaan odayaashu, waxaana xildhibaan kasta la doonayaa inuu codad aqlabiyad ah ka helo ergooyinka uu soo xulay oday dhaqameedka beeshaasi.

Dadaal badan iyo wada tashi lasameeyay waxaa lagu wadaa inay doorashadu wakhtigii loogu talogalay ay dhacdo. Mudadii lasoo dhaafay ayay madaxda Somaliya waxay ku mashquulsanaayeen shirar isdaba joog ah oo kusaabsan sidii qorshe midaysan loogu dajin lahaa doorashada 2016 ka dhici doonta dalka haduu ilaahay yiraahdo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay