Marka kowad waxaa mahad dhamaanteed iska leh Allaah (SW) Naxariis iyo Nabad galiyana korkiisa ha ahaato Nabigena Muxamed (SCW) intaas kadib waxaan dhamaan umada muslimiinta ah gaar ahaan shacabka Soomaalida Ogadeniya leeyahay Ciid Mubarak, hadii aan guda galo maqaalkan.

Halgamayaal halaakada hunguri-raacyada iyo hurgumooyinka gumaysiga waxaa lagaga bixi karaa oo kaliya adkaysi, isku duubni, is aamin, qorshe hufan oo ladajiyo kana heer sareeya kuwa gumaysiga, waxaa kale oo lagaga gudbi karaa in kuwa xaqa ku taagan ee xoriyad doonka ah iyo saaxiibka halganka ay fashiliyaan qorshaha gumaysiga iyo gumaysi kalkaalku ay la yimaadaan, waxaan si gaara talo isugu soo jeedinaynaa hadii aynu nahay xubnaha JWXO meel kasta oo aan joognaba inaan muujino akhlaaq wanaagsan, dulqaad, naxariis, deeq iyo soo jiidasho si aynu tusaale fiican ugu noqono qadiyada aynu matalayno, Ururkeena JWXO shacabka ayuu matalaa wakiilna ka yahay kuna tiirsan yahay, sidaas darteed waa inaysan gumaysiga iyo canaasiirtiisu inaga jiidan shacabkeena wadaniga ah, halgamayaal waxaad inbadan la kulmaysaan qaar dadwaynaha loo halgamayo ka mida oo idin caaya, idin ka muransiiya ama gacan qaad idiin la yimaada, taas markay dhacdo waxaa loo baahan yahay in aan ficil iyo cadho lagaga hortagin ee maskax iyo u caqli celin iyo dulqaad lagu xaliyo.

Halgamaaga iyo naftiihuruhu waxay astaan u yihiin qadiyada xaqa ah ee gobonimodoon, hadii aynaan dariiqa toosan ee xaqa ah ee qadiyada aan tusaale loo noqonin xaqii umada ayaa muran gali kara, walaalayaal mar walba aan xasuusnaano weedh murtiyeedan “Xoriyada la isma siiyo waxaa lagu helaa halgan” xubnaha JWXO marka aynu dhamaanteen isu taagno xoriyada oo aynaan ka waaban jidka xoriyada markaa unbuu caalamku ina arki in aan nahay umad ku nool dunida guudkeeda oo doonaysa inay ka xorowdo gumaysiga Itobiya iyo duulaanka taariikhiga ah ee naloosoo maleegay 1884-kii .

In kasta oo ay kuwa wax cadaadiya adeegsadaan tab iyo xeelado kasta oo u suurta galinaya inay cadaadiyaan kuwa doonaya inay cadaadiska ka hoos baxaan, hadana waxaa si taariikhiyan ah loo xaqiijiyay inaan la hor istaagi karin rabitaanka umad xoriyad inay hesho isu taagtay, waxaase marka hore lagama maarmaan ah in umada xoriyada doonaysa ay ku tala gashantahay in dadaal iyo halgan dheer oo hurgumooyin iyo halaakooyin leh kadib ay xoriyadu dhalan karto.

Lasocda qaybaha danbe Insha Allaah.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com
Just now · Sent from Messenger

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay