Dalka Uganda ayaa horey ugu dhawaaqey in ay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya sanadka 2017. Madaxweynaha Uganda ayaa faah-faahin ka bixiyey sababta, waxaana uu sheegay xalka.

Yuweri Musaveni ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan lahayn qorshe ciidan dagaal ku jira, oo ay jihadu ka dhunsan tahay, wuxuu sheegay in aysan ciidankooda la baxayn sanadka 2017 haddii AMISOM loo sameeyo jiho sax ah oo ay mustaqbalka ku bixi karaan.

Qorshaha AMISOM dooneysaa waa in la dhiso ciidankii qaranka Soomaaliya ayuu yiri Musaveni, haddii qorshahaas bilowdo ciidankayagu waa si joogi karaa ilaa ciidanka Soomaaliya talada kala wareego.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir Kampala ka dhacay oo madaxda gobolka ay uga hadleen amniga gobolka, shirkaasi oo sidoo kale uu ka qeybgalay Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo booqanaya Afrika.

Dhismaha ciidanka qaranka Soomaaliya ayaa waxaa hortaagan caqabado badan mana jiro ciidan dhamaystiran oo Soomaaliya leedahay kaas oo dalka oo dhan ka dhexeeya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay