Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UKIP Mr.Nigel Farage ayaa Isniintii shaaciyey inuu ka degayo xilka Guddoomiyaha xisbigaasi oo ahaa mid si weyn ugu ololeenayey in Britain isaga baxdo Midowga Yurub.

Nigel Farage ayaa sheegaya in yoolkiisa ugu weyn ee Siyaasada ahayd inuu ka qeyb qaato sidii Dowladooda UK looga saari lahaa Midowga Yurub, isagoo sheegay inuu hada arrintaasi ku guuleystay isla markaana go’aansaday inuu xilkii uu hayey uu iska wareejiyo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu sii wadi doono taageerada uu siinayo xisbigiisa UKIP oo hada Baarlamaanka Ingiriiska kuleh 1 kursi oo kaliya, xisbigan ayaa sidoo kale kuraas kuleh Baarlamaanka Midowga Yurub.

Dadka dhaliila siyaasada UKIP oo ku tilmaama xisbi cunsuri ah ayaa ku sheegay iscasilaada Nigel Farage mid fuleynimo ah oo uu doonayo inuu xilka iska wareejiyo, maadaama wadanka UK uu galay xaalad xasaasi ah oo laga cabsi qabo in saameyn xun ku yeelato dhaqaalaha dalkaasi kadib aftidii uu u ololeenayey ee ka bixitaanka Midowga Yurub.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay