JoornaalkaTimes of Israel ayaa  qoray in dhawaan uu kulan qarsoodi ah dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu, warkaasi oo ay horey u qoreen qaar kamid ah Websiteyada Soomaalida.

Wararkaasi ay horey u qoreen saxaafada Soomaalida qaarkeed oo la sheegayey in laga soo xigtay qaar kamid ah Xoghaynta Madaxweyne Xassan ayaa sheegayey inuu safar qarsoodi ah ku tagay bishii lasoo dhaafay magaalada Tel Aviv, halkaasi oo kula kulmay Benjamin Netanyahu.

Xafaada Israa’il ayaa sheegtay in warkan ay hada u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Villa Soomaaliya iyo xafiiska Madaxweynaha, waxayna sidoo kale jariiradaasi qortay in kulanka Xasan iyo Netanyahu uu ka horeeyey kulamo kale oo qarsoodi ah oo dhexmaray saraakiil ka kala socotay labada xafiis ee hogaamiyayaashaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Isra’iil Mr.Dore Gold oo ay jariiradan wax ka weydiisay kulankan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo, isla markaana diiday inuu xaqiijiyo ama beeniyo inuu kulankaasi ka dhacay Tel Aviv. Times of Israel ayaa intaasi raacisay inay xog ku heyso in kulamo kale la qorsheeyey inay labada dhinac wada yeeshaan mustaqbalka.

Dalka Soomaaliya ma aqoonsana jiritaan dowlada Isra’iil, isla markaana wax xidhiidh diblumaasiyadeed kama dhaxeeyo, waxayna noqoneysaa hadii warkan uu run yahay xidhiidhkii ugu horeeyey oo dhexmara labada dhinac.

Raysalwasaaraha Isra’iil Netanyahu ayaa todobaadkan safar ku maraya dalalka Bariga Afrika gaar ahaan Ugandha, Kenya, Itoobiya iyo Rwanda, wuxuuna kulan looga hadlayo dhaqaalah iyo Amniga kula kulmay dalka Ugandha Madaxweynayaasha dalalkaasi oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Sudan.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Raysalwasaare Isra’iili ah safar noocaan ah Qaarada Afrika ku tago 30-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana lasheegay in arrintan ay muujineyso dadaalka Isra’iil ay ugu jirto inay xidhiidh dhaqaale iyo mid militari ku yeelato qaarada Afrika. Shirkadaha dhanka Teknaloojiyada iyo hubka ee Isra’iil ayaa kamid ah kuwa ugu horeeya ee doonaya inay ka faa’iideystaan suuqa Afrika oo ay loolan ugu jiraan dalalka horumaray ee Caalamka.

Halkan ka akhriso Maqaalka Times of Israel ka qoray xiriirka Xasan iyo Netanyahu!
http://www.timesofisrael.com/somalias-president-recently-held-first-ever-meeting-with-israeli-pm/

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay