Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Jarar ee Wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanahu dad shacab ah ugu gaysteen Gobolka Jarar, xogtan oo uu nasoo gaadhsiiyay muwaadin kusugan magaalada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar ayaa sheegaya in ay ciidanka gumaysigu maalin nimadii shalay oo Arbaco ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 6/7/16 Tacadiyo Kagaysteen Tuulada Ceel-xaar oo Gobolka Jarar katirsan.

Sida warku sheegayo ciidanka cadawga ayaa jidh-dil iyo xidhay isugu daray dad waayeela ah oo kamid ahaa dadka deegaanka waxaana kamid ahaa dadka aad loo jidh dilay hooyo 70 jir ah oo lagu magacaabo Ruqiya Ow Cabdulaahi.

Sidoo kale ciidanka gumaysiga ayaa isla Tuulada kala tagay 6 qof oo kale waxaana lagu soo waramayaa in dadkan aad loo jidh dilay ka hor inta aan xabsiga la dhigin.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ayaa gurigiisa kala baxay muwaadin daganaa magaalada Dhagaxbuur oo lagu magacaabo Axmad Shariif mana jiro cid warkahaysa axmad geeri iyo nolol meel uu kusugan yahay.

ONA. Kulmiye Cabdi Ogadeniya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay