Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ee ONA ayaa muujinaya in uu meel halis ah marayo khal-khalkii in dhawaalaba ka dhex jiray sirdoonka gumaysiga Itoobiya, sida ay xogtu muujinayso laanta sirdoonka ee wayaanaha ayaa ku wareersan cida bixisa sirta ciidamada Sirdoonka.

Sida aan marar hore baahinay sirta ciidamada sirdoonka ee wayaanaha ayaa noqotay mid si fudud ay dadku u ogaadaan waxayna dadwaynuhu sii ogaadaan qorshe kastoo ay ciidanka sirdoonku ladamacsan yihiin shacabka waxayna saraakiisha sirdoonku kawar helaan qorshihii ay diyaariyeen oo banaanka lagaga shaah cabayo.

Arintan kusaabsan sirta banaanka iska taala ayaa saraakiisha dhinaca mukhaabaraadka ee gumaysiga ku abuuray wal-wal iyo kala shaki dhexdooda ah wuxuuna midba midka kale kutuhmay in uu isagu sirta bixiyay.

Qaar kamid ah saraakiisha sirdoonka wayaanaha ayaa qaba sirtan ay mucaaradku durba helayaan in ay sabab utahay qalab kuwa wax duuba ah oo lagu xidhay xafiisyadooda halka qaar kale oo saraakiisha kamid ahna ay qabaan in ay qaar iyaga kamid ah mucaaradka lashaqeeyaan isla markaana xafiisyada sirdoonku ay noqdeen Ilaha ay mucaaradku xogaha kahelaan.

Kala shakigan hay’ada sirta ee Itoobiya ayaa yimid iyadoo uu jiro daganaansho la’aan badan oo hay’adaha dowliga ah ee Itoobiya uu jiro iyo waliba kala daadsanaan ba’an oo dhinaca ciidanka milatariga ah, sidoo kale khal khalkan cusub ee ciidanka sirdoonka ayaa imaanaya xili ay guud ahaan wadanka ka jiraan kacdoono lagaga soo horjeedo xukunka xaaraanta iyo xaqdarada kudhisan ee kooxda TPLF, waxayna Xeeldheerayaasha siyaasadu cadaynayaan in ay Itoobiya qumaati cagta u saartay wadadii burburka.

Dhinaca kale qaar kamid ah saraakiisha ciidamada sirta ayaa kutalo bixinaya in ay soo iibsadaan qalab qaali ah si ay u xakameeyaan sirta suuqa ordaysa hase yeeshee soo jeedintan ayaa u muuqata habar dhaliwayday aleelo kuwaalatay oo kale.

Sikastaba ha ahaatee u muurtan ayaa dhalisay in qaar badan oo saraakiisha sirdoonka kamid ah xabsiga ladhigo qaar kalana ay shaqada iska casileen, sidoo kale waxaa soo badanaya xubnaha ciidanka sirdoonka Itoobiya dibada uga shaqeeya in uu qofkasta daganaansho waydiisanayo wadanka uu kusugan yahay wixii hanti uu heli karana uu ku shubanayo account yada wadankaas.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay