Tartanka Doorashada Ra’iisal-Wasaaraha Cusub ee Dalka Britain (UK).
Xildhibaanada xisbiga talada haya ee Muxaafidiinta (Conservative) ka ayaa u codeeyay xoghayaha arrimaha gudaha Theresa May iyo wasiirka tamarta, Andrea Leadsom, oo ah labada qof ee ku soo baxay wareega sadexaad ee xubnaha xisbiga ee waddanka oo dhan ay u codayn doonaan.
Michael Gove oo ah qofka sadaxaad ee u tartamayay jagada Ra’iisul- Wasaaraha dalka UK ayaa la reebay kadib markii uu galay kaalinta saddexaad codaynta loo qaaday doorashadan.
Mrs May, oo heshay in ka badan laba jibaar Mrs Leadsom, ayaa sheegtay inay midayn doonto xisbiga hadii la doorto, kadib markii UK ay u codaysay afti dhawaan wadanka ka dhacday inay ka baxdo Midowga Yurub, taasoo sababtay inuu is casililo Ra’iisal-Wasaare David Cameron oo ku dhawaaqay go’aankan kadib markii ay soo baxday natiijadii aftida.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.