Bannaanbaxyo ayaa shalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo lagaga cabanayey dilkii nin qareen ahaa oo u dhaq dhaaqaaqa xuquuqda aadanaha Willie Kimani loo gaystay.

Kamani, ayaa lala diley mid kamid ahaa macaamiishiisa iyo darawal taksi u waday, waxaana falkaas looqabtay afar nin oo ka tirsan booliska, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ku lug leeyihiin dilka qareenka iyo labada qof ee kale ee lala dilay.

Waa bannanabaxii labaad ee ka dhaca Kenya toddobaadkan gudihiisa. Dilka ninkaasi ayaa waxa uu keenay in ay bulshada Soomaalida ee Waqooyi Bari inay kor u hadlaan, oo ay sheegaan in dhibaatadani ku saabsan dadka la waayo kadibna maydkood lahelo ay muddo dheer soo haysatay bulshada Somaliyeed ee Kenya ku dhaqan.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay