War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay Magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Ethiopia ayaa sheegaya in mar labaad la kansalay Imtixaankii dugsiyada sare ee wadanka Itoobiya oo loobalan sanaa in laqaado maalintii shalay ahayd.

Joojinta imtixaankan dugsiyada sare ayaa kadambeeyay kadib markii laxaday guud ahaan Imtixaankii ladoonayay in ardayda lagu imtixaamo ee EGSECE ga, ma aha markii ugu horaysay ee laxado Imtixaankii sanad dugsiyeedka sidaan horaan idiinku sheegnayba Imtixaankii Jaamacadaha Itoobiya ayaa sidan silamid ah oo loo joojiyay kadib markii laxaqiijiyay in uu gacanta dadwaynaha galay Imtixaanku.

Sida aan lawada socono wuxuu khal khal kataagan yahay Dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowliga mana jiro hal xafiis oo kabadbaaday musuqa ku habsaday guud ahaan xarumaha laga maamulo Itoobiya.

Laamaha ugu daran ee kala dhaadasho qarka usaaran waxaa kamid ah qaybaha kala duwan ee ciidanka sida Sirdoonka, Police ka iyo Milatariga, sidoo kale wuxuu khal khal baahsan kajiraa wasaaradaha waxbarashada, Cadaalada iyo Maaliyada wuxuuna musuq maasuqu gaadhay meel ay adagtahay in wax laga qabto.

Sikastaba ha ahaatee waxaa maanta guud ahaan wadanka Itoobiya laga dareemayaa culays ku aadan Imtixaanka la joojiyay waxaa laga cabsi qabaa in ay ardaydu bilaabaan mudaharaadyo lamid ah kuwii waawaynaa ee Gobolka Oromia kasocday dhawaanahan.

Sidoo kale dowladaha ree galbeedka ayaa in badan shaki galiyay jiritaanka xukuumada TPLF oo noqotay Gole geeljire waxaana jira dowlado muwaadiniintooda uga digay aaditaanka Itoobiya iyo kuwo ka fajaraya siday dhaqaalaha uga joojin lahaayeen mar haduusan jirin xukun cadaalad ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay