Sida aan horay idiin kusoo tabinay ba waxaa xalay ka dhacday caasimada wadanka sucuudiga ee Riyaad xaflad balaadhan oo ay soo abaabuleen Jaaliyada Ogadenia ee wadan Sucuudiga gaar ahaan Faraca Riyaad

Xafladan ayaaa waxaa ugu Horayn ba Lagu furay aayado kamid ah Qur’aanka kariimka iyo Wacdi diini ah, waxaana lasii raaciyay Hèesta Calanka Ogadenia oo lagu Daah Furay shir ka intaas kadib waxaa Laga Soo jeediyay Khudbado aad u qiimo badan aad na Runtii usoo jiitay ka qayb galayaashii shirka.

Waxaa sido kale Lagu soo bandhigan Xaflada heeso Wadani ah oo qiiro watay Dhaantooyin iyo Riwaayado ay aad uga heleen kasoo qayb Galayaashii Xaflada fadhiyay waxayna xalay Jaaliyada Ree Ogadenia ee Riyaad kadhisan u ahayd Habeen farxadeed.

Dhanka kale waxaa Xaflada ka hadlay Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Gaaxnuug oo si fiican u sharaxay mar xaladihii Halgan iyo wax yaalihi Lasoo maray iyo in Loo baahan yahay Adkaysi badan oo shacabka S.ogadenia ay layimaadaan.

Ugu Danbayn tii xaflada Ayaa waxay kusoo dhamaatay si Habsami leh Farxad iyo bash bash waxaana ka Daawan doontaa Tvga Qaran ka Ogadenia ee Ilays Tv Bar naaamij yadiisa oo dhamays tiran Hadii allaha awooda lihi ogalaado

ONA Riyaad.

 

FB_IMG_1467972467780FB_IMG_1467972435985 IMG-20160708-WA0019FB_IMG_1467933287486 FB_IMG_1467933279968FB_IMG_1467933271686IMG-20160707-WA0027IMG-20160707-WA0026

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay