Ciidanka Booliska ayaa lagu weeraray bartamaha magaalada Dallas ee gobolka Texas, banaanbax cabasho ah oo dadka madowga ah isugu soo baxeen kadib markii laba qof oo Madow ah Boolisku toogteen labadii maalmood ee u dabaysey, kuwaas oo ka kala dhacay gobolada Minnesota iyo Louisiana.

Madaxa Booliska ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka banaanbaxa ku jirey ay wax ka ogaayeen weerarka Booliska lagu qaadey, waxaana laba qof oo shiishyahano ah ay ku dhuunteen guryaha dhaadheer ee bartamaha magaalada ku yaala halkaasoo ay kasoo toogteen ciidanka booliska.

Ugu yaraan saddex qof oo lagu tuhunsan yahay in ay wax ka ogyihiin weerarka ayaa laqabtay.  Xaaladda magaalada Dallas ayaa noqotey mid kacsan, dadka ayaa wel-welsan, waxaana wararku sheegayaan in dukaamada qaarkood la boobay kadib intay toogashadan 5-qof lagu dilay ay dhacday.

Dadka Madowga ah ayaa labdii sano ee u danbaysey ka cabanayey in Boolisku sida ugaarta isaga laayo, taas oo ay ku tilmaameen mid cunsurinimo ah waxaana bilowdey dhaq-dhaqaaq lagaga soo horjeedo dilalka lagu hayo dadka madaw.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay