Ugu yaraan shan askari ayaa dhimatay shalay kaddib markii ay isku dhaceen ciidammo daacad u kala ah madaxwaynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir iyo madaxwayne kuxigeenka dalkaas Riek Machar.

Isku dhacaaasi shalay wuxuu ka dhacay magaalada Juba sida uu ku warramay wargayska Sudan Tribune. Kolonyo ciidammo ah oo daacad u ah Machar ayaa rasaas ku furay bar kontorool ah oo ay maamulaan ciidammo daacad u ah Kiir, wakaaladda wararka ee AP ayaa sidaas ka soo xigatay Lul Ruai Koang oo ah afhayeenka dawladda Suudaanta Koonfureed.

Wargayska Tribune waxa kaloo uu ku waramay in labada masuul ay wada hadleen ayna ku heshiiyeen in ay la hadlaan taliyeyaasha ciidammadooda si ay u dajiyaan xaaladda oo dagaal uusan ugu sii fidin caasimadda. Isku dhacyadani waxay yimaadeen kahor xuska 5-aad ee maalinta xoriyadda oo loo dabaaldagayo sabtida.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay