Balaayada ugu daran iyo dhibaatada ugu culus ee bulsho soo foodsaarta, waxay tahay markay isku dhex yaacdo oo la kala garan-waayo danta guud iyo danta gaar, nacabka iyo nasteexa, cadowga iyo saaxiibka, shisheeyaha iyo sokeeyaha, taariikhdu waa mid dhigan, dhambaaladay uruurisaa, dhacdiyo mid la dhowrayoba, muhiimada ugu wayn ee loo diiwaangaliyo, taariikhda waxaa ugu wacan in la barto xumaan iyo samaan wixii dhacay sooyaalka, waxaa jira hab-dhaqan aadamigu ka siman yahay, kaasoo ah marka cadowgaagu jabo in lagu farxo, cadowgaagu haduu kufo oo sinbiriirixashada la dhul dhaco, waa lays raaciyaa oo waa la sii turantureeyaa ee lama toosiyo.

Itobiya iyo Soomaaliya cadawtooyo ku salaysan dal iyo diin ayaa qarniyaal dhextiil u ahayd walina u ah, Gumaysiga Itobiya wakhtiga ayaa saaciday nasiib-wanaaga Itobiya maanta Soomaaliya waa kuftay oo dhabarka ayay ka jabtay, sidii lagu yaqiinay Itobiya doqon ma noqon ee iyadoo ka faa’iidaysatay fursada dahabiga ah, ayay dhaawacii Soomaaliya sii dhaawac-tirtay, waxayna sii raacisay mayd-garaac waxaashnimo oo ka baxsan xeerarka qaanuunka, fikradii Soomaali ha is raacdo iyo halgankii Soomaaliwayn xor ah loogu jiray oo maanta sida muuqata meesha ka baxday, Soomaalida kuftay si aanay mar danbe u soo kicin.

Itobiya waxay jamhuuriyadii Soomaaliya u qaybisay dhowr Maxmiyadood oo kala madaxbanaan kuwaas oo waliba col ah, tusaale Puntland iyo Somaliland mid kasta xidhiidh gaar ah ayay la leedahay, Itobiya waxay si hawl yar ugu guulaysatay inay Soomaaliya ka tirtirto kaadirka indhergaratka loo yaqaan sida: aqoonyahanada haybada leh, saraakiisha kartida leh, dhaqaatiirta taqasuuska leh, culimada diinta iyo wixii soo raaca, murti baa waxay leedahay “Bulshadii laga waayo waayeel taliya, wadaad duceeya iyo wiil dagaalama bulshadaas balaayo ayaa ku habsatay oo burbur baa u sugnaaday” waa heerka maanta Soomaalidu ku sugantahay.

Itobiya waxay ku talo gashay markay layso oo gabi ahaanba wadanka ka suuliso kaadirka aqoonta leh inay dalka isugu hadhaan waxmagarato ku dhaqanta xeerka duurjoogta ee ku salaysan sida loo kala xoog wayn yahay in laysu cuno {Survival of the fittest}, xeerkaas Itobiya dajisay ayaa maanta Soomaaliya looga dhaqmaa oo beeluhu sida ay u kala hub badan yihiin ayay isu bililiqaystaan, waxaa la boobay oo la barakiciyay maxastii iyo maatidii Soomaaliyed, hadaba shirqooladii Itobiya u dajisay burburinta Soomaaliya si fiican ayay u hirgaleen.

Lasoco qaybta 2aad ee maqaalkan Insha Allaah.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
Liibanabdi29@gmail.com.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay