Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Qubi ee Galbeedka Ogadenia ayaa sheegaya in ay daba qoodhi kasoo duulay Gobolka Oromiya halkaas
kulaayeen dad shacab ah oo Ogadenya udhashay, warkan oon kahelay Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) ayaa lagu sheegay in uu dagaal culisi dhex maray dabaqoodhiga Oromada iyo shacabka Somalida Ogadenya oo daganaa dhul ku dhaw
dagmada Qubi.

Sida uu warkani nagu soo gaadhay ciidan beeleedka ay Itoobiya samaysatay ee looyaqaano Dabaqoodhiga oo kadhisnaa dhulka Oromia ayaa si khaldan usoo gudbay xuduuda ay wadaagaan Ogadenia iyo Oromia waxayna weerar kusoo qaadeen shacabka Somalida Ogadenia ee deegaankaas kusugan waxaana lacadaynayaa in shacabka soomaalida ah laga dilay inkabadan 15 qof halka daba qoodhigana gacan
lagaadhsiiyay.

Dhulka xuduuda ah ee ay wadaagaan labada bulsho ee Oromada iyo Soomaalida ayay markasta xukuumada TPLF kasamaysaa isku dir labada
shacab ah iyadoo uga dan leh in labada quwadood ee TPLF kasoo horjeeda (Ogadenya iyo Oromiya) in ay isku mashquulaan.

Dhinaca kale Wariyaha ONA uga soo warama magaalada Goday ayaa sheegaya in guud ahaan Gobolka Shabeelle oo gumaysigu kawado raaf kadhan ah dhalinyarada kasoo siqasab ah lagu ciidamaynayo, Siduu wariyuhu sheegay cidanka gumaysiga ee Gobolka Shabeelle kusugan ayaa qaatay in ay dhalinta Gobolka halmeel isugu keenaan iyagoo si qasab ah kugaynaya xerada tababarka ee Huurso halkaas oo fikir khaldana lagu soo shubayo dhalinta.

Sida warkan aan kuhelay dhalinta Gobolka Shabeele ayaa bilowday in ay firxadaan iyagoo udhaqaaqaya wajigooda iyo kolba meeshii kalee  soo ceshata waxayna dhalintu ciidan ay wayaanaha u noqdaan kadoor bidayaan in ay dhintaan ama ay dhul fog u dhalan dhoolaan. Arintan dhalin yarada lagu ciidamaynayo ayaa timid kadib markii ciidamadii hore ee Hawaarintu ay uqayb sameen kuwo lalaayay iyo kuwo aad uga niyad jabsan qaabka loola dhaqmo ee xushmad la’aanta ah halka qaar kalana ay ugoosteen wadamada dariska la ah Ogadenia.

ONA/Ogadenya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay