Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay xabsiga dhigtay 19 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay banaanka Masjid Nabawi ee magaalada Madina habeenkii ugu danbeeyey ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qaraxaasi ayey ku dhinteen 4 askari oo illaalineysay Masjidka, waxaana la sheegay inuu geystay nin naftii halige ah oo u dhashay dalkaasi Sacuudiga. Magaca ninkaasi is qarxiyey ayaa lagu sheegay Naer Muslim Xamad wuxuuna ahaa 26 sano jir, booliiska Sacuudiga ayaa sheegay in ninkaasi uu kamid ahaa dhalinta daroogada iyo maandooriyaha isticmaala, waa siday hadalka u dhigeenee.

Dadka laqabtay ayaa isugu jira 12 nin oo u dhashay dalka Pakistan iyo 7 nin oo u dhashay dalka Sacuudiga, kuwaasi oo lala xidhiidhinayo qaraxyadii ka dhacay Madina, Jeddah iyo Qadhiif.

Qaraxii ka dhacay meel u dhaw Qunsuliyada Maraykanka ee magaalada Jeddah ayaa la sheegay inuu geystay nin u dhashay dalka Pakistan oo lagu magacaabo Abdullah Waqar Khan, ninkaasi oo ahaan jiray darawel taxi ayaa la sheegay inuu sanadihii dambe ku noolaa magaalada Jeddah oo uu ka shaqeysan jira.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay